Shaqaalaha diyaaradii ku burburtay Carbiska oo xabsiga la dhigay (Faahfaahinta sababta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shaqaalaha diyaaradii ku burburtay Carbiska oo xabsiga la dhigay (Faahfaahinta sababta

Diyaaradda Tristar ee ka diiwaan gashan dalka Masar ayaa shaqaalaheeda lagu xiray magaalada Muqdisho, kaddib markii lagu soo eedeeyay inay sameeyeen qaladaad ka yimid dhinaca duulimaadyada ay sameyneysay oo ay ku timid dalka Soomaaliya.

 

Qadka duulimaadka shirkadda oo shixnado raashin ah ka soo qaaday magaalada Ostend ee dalka Biljimka ayaa dib ugu laabatay magaalada Qaahira, sida ay sheegayaan warbaahinta magaalada Qaahira ee wadanka Masar iyadoo kaddibna Soomaaliya u soo duushay.

 

Ciidamada AMISOM ayaa shaqaalahaasi ka qaaday Baasabooradii ay wateen, iyagoona xabsiga dhigay, waxayna Q/Midoobay ku eedeysay in shaqaalahaasi ay sameeyeen qaladaad dhinaca duulimaadka Soomaaliya ku timid.

 

Dhinaca kale saraakiisha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan hadlay diyaaradda ku degatay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo laga badbaadiyay dadkii saarnaa iyo shixnadihii ay wadday.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!