Shaqa joojin lagu sameeyey Taliyihii Booliska Gobolka Nugaal

Read Time:37 Second

Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Dowlad goboleedka Puntland Sareeyo Gaas Muxudiin Axmed Muuse ayaa waxaa uu Shaqada ka joojiyey  Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Muumin Cabdi Shire.

Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Puntland Sareeyo Gaas Muxudiin Axmed Muuse ayaa wareegto uu Shaqada uga joojiyey Taliyaha u gudbiyey Madaxweynaha Puntland,taas oo uu ku xusay in uu sameeyey amar-diido.

Ilo xog-ogaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in Shaqa joojintaan ay ka dambeeysay khilaaf maalmihii la soo dhaafay ka dhaxeeyey taliyaha Booliska Puntland iyo Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in bilihii la soo dhaafay aysan dhex-marin labada taliye wax wadashaqeyn ah,taas oo sababtay in Shaqada laga joojiyo Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %