Shan Qodob Oo lama filaan ah uu sheegay madaxweyne Farmaajo & Dakadaha Itoobiya maal-Gashaneeyso oo... * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shan Qodob Oo lama filaan ah uu sheegay madaxweyne Farmaajo & Dakadaha Itoobiya maal-Gashaneeyso oo…

Muqdisho ( Mareeg News )
Madaxweynaha soomaaliya mohamed abdulahi farmaajo ayaa si qayaxan uga waramay xaalada dalka uu ku suganyahy iyo hadalada bulshada hadal hayaan Qodoboda uu madaxweynaha ka hadalay ayaa kala ahaa.
• HASHIISKA AFARTA DEKADOOD.

“Wax dekad ah oo la siiyay ama la siin doono Itoobiya ma jirto. Wadankeena wuxuu u baahan yahay dhaqaale, anagana dhaqaalaha ma heysano”

“Afarta Dekadood kaliya waxaan u raadineeynaa waa in lagu sameeyo dayactir iyo maalgashi. Itoobiya waxey qeyb ka yihiin wadamada maalgashiga ku sameynaayo. Waa in sidaas loo fahmo”

• WADOOYINKA XIRAN

“Waan ogahay shacabka in ay dhib ku qabeen wadooyinkii xirnaa. Waan ogahay in saacado badan la lugeynayay”

“Lakin naf badan in la badbaadiyo iyo in la lugeeyo waxey noqotay in  lakala doorto. Marka waaan uga mahadcelinayaa shacabka dhibka ay u adkeysteen”

“Waxaan ku dadaaleeynaa in wadooyinka aysan markale dib u xirmin”

• MUXUU LA AAMUSAA FARMAAJO

“Madaxweynaha waxba kama bilowdaan, weyse ku dhamaadaan. Madaxweynaha marwalba ma ordi karo. Hoosha waxaa iska leh oo masuuliyadeeda qaadayo waa Ra’iisul Wasaaraha”

“Waa dhaqan cusub in madaxweynaha uu badanaa aamuso lakin waa sida saxda ah”

• TUKARAQ SOMALILAND & PUNTLAND

“Waan la xariiray marar badan labada dhinac (Somaliland iyo Puntland) lakin xabad joojinta wali ma shaqeynin”

“Waxaan markale iyo markale ku celinayaa in la joojiyo dhiiga daadnaaya. Waa nasiib darro weyn in 28 sano kadib wali dad walaalo ah ay isdilayaan”

• DARBIGA BALADXAAWO

“Aniga waxaan wacay Uhuru Kenyatta, waxaan u sheegnay inuu joojiyo dhisida darbiga ilaa iyo inta aan ka kulmeeeyno. Wuuna joojiyay”

“Hada guddi qaran oo weyn ayaan ku wadnaa inaan sameeyno oo arinta dhexgalo. Aniga iyo Uhuru markaan daraad Nairobi tagay waaan ka wqda hadalnay. Walina arintaas wey socotaa”

• AAMINA DOWLADIINA

“Waxaan qof walbo oo Somali ah ka dalbanayaa in dowladii ay iyaga soo doorteen aaminaan”

“Waa in qof walbo oo Somali ah uu ka taliyaa wanaag. Taageerida dowladiina aad u heysaan waan idinkaga mahadcelinayaa”

“Anaga taako Somali kamid ah in la qaato ma ogolni”

HALKAAN KA DAAWO

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.