Shan Qodob Oo lama filaan ah Oo Uu Madaxweyne farmaajo U Cadeeyay Shacabka & Dakadaha Itoobiya Maal-gashaneeyso oo….

Read Time:1 Minute, 40 Second

muqdisho ( mareeg News )  Madaxweynaha soomaaliya mohamed abadulaahi Farmaajo ayaa si qayaxan u cadeeyay mowqifka soomaaliya iyo waxa ay ka shaqeyneyso dowlada uu hoggaamiyo, mud Farmaajo Oo wareeysi Siiyay warbaahinta ku hadasho afka dowlada ayaa si qayaxan uga waramay arima dhowr ah waxaana kamid ahaa arimaha ugu weeynaa

• HASHIISKA AFARTA DEKADOOD.

“Wax dekad ah oo la siiyay ama la siin doono Itoobiya ma jirto. Wadankeena wuxuu u baahan yahay dhaqaale, anagana dhaqaalaha ma heysano”

“Afarta Dekadood kaliya waxaan u raadineeynaa waa in lagu sameeyo dayactir iyo maalgashi. Itoobiya waxey qeyb ka yihiin wadamada maalgashiga ku sameynaayo. Waa in sidaas loo fahmo”

• WADOOYINKA XIRAN

“Waan ogahay shacabka in ay dhib ku qabeen wadooyinkii xirnaa. Waan ogahay in saacado badan la lugeynayay”

“Lakin naf badan in la badbaadiyo iyo in la lugeeyo waxey noqotay in  lakala doorto. Marka waaan uga mahadcelinayaa shacabka dhibka ay u adkeysteen”

“Waxaan ku dadaaleeynaa in wadooyinka aysan markale dib u xirmin”

• MUXUU LA AAMUSAA FARMAAJO

“Madaxweynaha waxba kama bilowdaan, weyse ku dhamaadaan. Madaxweynaha marwalba ma ordi karo. Hoosha waxaa iska leh oo masuuliyadeeda qaadayo waa Ra’iisul Wasaaraha”

“Waa dhaqan cusub in madaxweynaha uu badanaa aamuso lakin waa sida saxda ah”

• TUKARAQ SOMALILAND & PUNTLAND

“Waan la xariiray marar badan labada dhinac (Somaliland iyo Puntland) lakin xabad joojinta wali ma shaqeynin”

“Waxaan markale iyo markale ku celinayaa in la joojiyo dhiiga daadnaaya. Waa nasiib darro weyn in 28 sano kadib wali dad walaalo ah ay isdilayaan”

• DARBIGA BALADXAAWO

“Aniga waxaan wacay Uhuru Kenyatta, waxaan u sheegnay inuu joojiyo dhisida darbiga ilaa iyo inta aan ka kulmeeeyno. Wuuna joojiyay”

“Hada guddi qaran oo weyn ayaan ku wadnaa inaan sameeyno oo arinta dhexgalo. Aniga iyo Uhuru markaan daraad Nairobi tagay waaan ka wqda hadalnay. Walina arintaas wey socotaa”

• AAMINA DOWLADIINA

“Waxaan qof walbo oo Somali ah ka dalbanayaa in dowladii ay iyaga soo doorteen aaminaan”

“Waa in qof walbo oo Somali ah uu ka taliyaa wanaag. Taageerida dowladiina aad u heysaan waan idinkaga mahadcelinayaa”

“Anaga taako Somali kamid ah in la qaato ma ogolni”

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.