Shan kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir oo xilka laga qaadayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shan kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir oo xilka laga qaadayo

Muqdisho ( mareeg news ) Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in dhawaan isbadal lagu sameenayo maamulada qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana isbadalkan xilka ku weyn doono Gudoomiyaasha hada shaqeeya qaarkood.

Sida aan xogta ku helnay wajiga koobaad ee isbadalka maamulada Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saameyn doona shan ilaa lix degmo, waxaana maamulka gobolka qorshihiisu yahay in aan hal mar xilka laga wada qaadin Gudoomiyaasha hada shaqeeya .

 

Xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa si weyn looga hadal hayaa isbadalka lagu sameenayo maamulada degmooyinka qaarkood, waxaana si weyn loo hadal hayaa Gudoomiyaasha cusub ee badalaya kuwa xilka laga qaadayo.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Degmooyinka ay saameyn doonto isbadalka dhinaca maamulka ay ugu horeeyaan Degmooyinka Dayniile, Waabari, Yaqshiid,Kaaraan iyo Degmada Shangaani oo mudo bilooyin ah aan la heyn Gudoomiye Degmo.

Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa hada waxaa lasoo darsay walaac xoogan oo ku aadan in xilkooda weyn doonaan, Gudoomiyaasha qaarkood Oo aan la xiriirnay waxeey inoo sheegeen in aneey jirin warqad hada soo gaartay isbadal dhacana ayna dhib u arkin kurisiguna yahay ul isku dhiib.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaaka wal walsan  isbadalka la filayo in lagu sameeyo maamulada degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana shacabka ka fakarayaan halka ay ku dambeeyn doonaan howlaha ay wadaan maamulada hada jire ee la filaayo in la badalo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!