Shan dal oo dhulka & badda ka weeraraya Xuuthiyiinta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shan dal oo dhulka & badda ka weeraraya Xuuthiyiinta

Mareeg.com: Diyaaradaha dagaalka Sacuudiga iyo Isbaheysiga ayaa habeenkii labaad xalay duqeymo la beegsanaya bartilmaameedyo ku yaala dalkaasi Yemen oo ay leeyihiin kooxda Xuuthiyiinta.

Sacuudi Carabiya waxay sheegtay in ay sii wadi doonto ololaha, ilaa iyo inta awoodda fallaagada aad looga wiiqayo.

Wasiirka Arrimaha dibadda Yemen ayaa sheegay in weerarrada xagga cirka ah ee ay wadaan xulafada uu Sacuudigu horseedka ka yahay ee dhanka ka ah falaagada xuutiyiinta ay soo af-jarmaan sida ugu dhakhsiyaha badan.

Riyadh Yasin wuxuu sheegay in ololaha duqayntu uu ku dhammaan karo maalmo gudahood, waa haddii buu yiri la joojiyo in xuutiyiintu horey u soo durkaan.

Sacuudiga ayaa horkacaya Isbaheysi la dagaalamaya Xuuthuyiinta, kaasoo shalayba bilaabay duqeymo xagga cirka ah, iyadoo Xuuthiyiinta ee taageerayaasha madaxweyne Haadi ay ku dagaalamayaan hareeraha magaalada Cadan.

Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Qadar, Kuweyt, Urdun, Marooko iyo Sudan ayaa ka mid ah Isbaheysiga cirka ka duqeynaya Xuuthiyiinta.

Waxaa suuragal ah, in dalalka Masar, Sudan, Pakistan iyo Urdun ay ciidamo dhulka ah u diraan Yemen hadii baahidu keento, sidaas waxaa qortay BBC, laanta Afka Carabiga.

Sidoo kale, Sacuudiga ayaa la filayaa inuu dhanka dhulka kasoo geliyo ciidamo gaaraya 150 kun oo askari. Qorshahan ayaa la sheegay in uu yahay ciidamada si aad ah u hubeysan ay Yemen kasoo galaan dhinaca xaduuda Sucuudiga iyo dhanka bada.

Mareykanka ayaa isagu sheegay inuu isbaheysigan cusub ka taageerayo xagga farsamada iyo sirdoonka.

Kooxda Xuuthiyiinta Yemen oo ah Shiico ayaa horay u qabsaday caasimadda dalka ee Sanca, iyo magaalooyin kale, waxeyna haatan kusoo jeedaan magaalada Cadan ee koonfurta dalkaas.

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Cabdul-maalik Al-Xuuti ayaa Sucuudiga ku tilmaamay xukumad nacas ah oo ku khamaartay taageerada Mareykanka.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!