Shaley ma Zamzamaa Maantana ma Naciimaa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shaley ma Zamzamaa Maantana ma Naciimaa

Maanta waxay Taagan tahay olole la mid ah kii sida weyn loogu taageerey Gabadhii Zamzam Axmed Ducaale oo si gardan loogu xirey Magaalada hargeysa Sannadkii 2004 Naciimo  Abwaan  Qoran  oo ah Gabar Soomaaliyeed  maanta nooga baahan tahay Taageeradaas

Naciimo Qorana oo Sadex  Sanno Maxkamad ku taal  Magaalada Hargeysa ku Xukuntey ka dib markii lagu eedeeyeyin ay Muqdisho tagtey hadaba waxaa la yaab leh in Muqdisho Tagisteeda Xabsi lagu muteysanayo sow ma haboona in la is weydiiyaa Maxaa lagu Xukumaya qofkii hargeysa taga

Waxaa Xaqiiqo ah in Xududuaha Dadka Soomaaliyeed waa isku Furan yihiin maalin waliba Dadka waxay isku maraan Dhul , Bad iyo Cir marka Sinaba ku kala maarmi meynee, waxaa soo xasuustey Gabaggeygii  ( Alla Wanaagsanaan lahaydaa in aan geela la kala soocin Gabiley iyo Cadale) waxana leeyahay Naciimo wax dambi ah ma gelin ee Deg deg Xoriyadeeda ha loogu soo celiyo


< !– Large skyscaper –>
Zamzam Axmed Ducaale Sannadkii ayaa Maxkamad ku taala Magaalada Hargeysa ku xukunta Dhowr Sanno Xarig ah  waxaana si loo siidaayo gabadhaas olole u galey Qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ay ugu horeyso Bahda Warbaahinta, sidoo kale Amiin Caamir ayaa  Kaartoon ka sameeyey  Zamzam  Sannadkii 2004, waxaana gabey ku saabsan Zamzam ka tiryey Alaha u naxariistee Abwaan Abshir Bacadle, Waxaan ka soo qaadaney Dhowr Tuduc waana kan

Gacaltooyadeenii inay gocanayaan mooyi

Is gar-gaarsigeenii inay gocanayaan mooyi

Galbihii beri samaadkii inay gocanayaan mooyi

Calankii shan gees laha inay gocanayaan mooyi

Dalsankii ay ka guureen inay gocanayaan mooyi

Labada webiye aan go’in inay gocanayaan mooyi

Geedihii Canbahoo baxay inay gocanayaan mooyi

Ganacsigii Bakaaraha inay gocanayaan mooyi

Gobolada dhexiyo bari inay gocanayaan mooyi

Xoolahayaga gaanka ah inay gocanayaan mooyi

Caasimadu waa gobe inay gocanayaan mooyi

Gad gadoonki Xamarweyne inay gocanayaan mooyi

Muuskii galoolnaa inay gocanayaan mooyi

Ganacsigii xorta ahaa inay gocanayaan mooyi

Beeraha gesiinka le inay gocanayaan mooyi

Ceelasheena aan go’in inay gocanayaan mooyi

Badda gees ka gees waran inay gocanayaan mooyi

Geedihiyo mirihii inay gocanayaan mooyi

Gosha webiga beeraha inay gocanayaan mooyi

Wuscigi ay ka guureen inay gocanayaan mooyi

Gacan shisheeyaa haysee inay gocanayaan mooyi

Galleydiyo Harruurkii inay gocanayaan mooyi

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Tel  00252615532494

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!