Shacbaka Scotland oo codeeyey iney kasii mid ahaadaan UK

Mareeg.com: Shacabka Scotland oo Khamiistii codkooda ka dhiibtay aftida Gooni isu taaga ayaa 54% kamid ah doorteen inay kasii mid ahaadaan dalka UK.

Codbixinta ayaa ahayd mid adag iyadoo ay codkooda dhiibteen 87% dadkii diiwaangashanaa tiradaasi oo ah mid aad u sareysa.

Scotland ayaa qeyb ka sii ahaan doonto Britain kaddib markii ay codbixiyayaashu u codeeyeen in aanay go’in.

Natiijada kama dambaysta ayaa muujinaysa in dadka diiddan in Scotland ka go’do Britain ay heleen boqolkiiba 55. Dadka taageersan madaxbanaanida Scotland ayaa helay boqolkiiba 45.

Wasiirka koobaad ee Scotland, Alex Salmond, oo u ololeynayay in Scotland ay go’da ayaa sheegay inuu oggolaaday in laga guulaystay.

Raysalwasaaraha UK, David Cameron oo si weyn ugu farxay natiijada ayaa sheegay in xukuumadiisa si deg degleh u bilaabi doonto baahinta awooda dowlada UK iyadoo Scotland lasiin doono awoodo dheeraad ah dhanka ismaamulka.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245