Shacabka Turkiga oo markii ugu horreysay maanta madaxweyne dooranaya (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shacabka Turkiga oo markii ugu horreysay maanta madaxweyne dooranaya (Sawirro)

Mareeg.com: Ilaa 53 Milyan oo ka mid ah muwaadiniinta dalka Turkiga ayaa maanta oo axad ah u dareeraya sanaadiiqda cod bixinta si ay usoo doortaan madaxweyne markii ugu horreysay taariikhda dalkaas.

Taariikhda dalka Turkiga waxaa madaxweynahadooran jiray baarlamaanka, hase ahaatee wixii hadda ka dambeeya waxaa dooran doona shacabka.

Waxaa doorashadan ku tartamaya ilaa 3 musharrax oo kala ah: R/wasaaraha xilligaan, Recep Tayyip Erdoğan, Xoghayihii guud ee hore ee Ururka Iskaadhiga Islaamka (OIC), Ekmeleddin İhsan Oğlu iyo musharrax kazoo jeeda gobollada Kurdiyiinta oo lagu magacaabo Selahaddin Dmirattash.

Mas’uulkii hela codad dhan 50 lagu daray 1 ayaa noqon doona madaxweynaha dalka Turkiga, isagoo badeli doona madaxweynaha xilligaan ee Abdullah Gül. Natiijada doorashada ee manta ayaa la filayaa iney horudhac ahaan usoo baxdo berry oo isniin ah.

Waxaa loo badinayaa in xilkaas ku guuleysto R/wasaare Recep Tayyip Erdoğan, kaasoo xilkaas hayey tan iyo sandkii 2003,wuxuunaka socdaa xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka, oo dalkaas gaarsiiyey horumar weyn.

Erdogan 1

(Recep Tayyip Erdoğan)

Ninka sida weyn ula tartamaya R/wasaare Erdoğan ayaa ah Ekmeleddin İhsan Oğlu oo ah71 jir u sharraxan labo xisbi oo kala ah: Xisbiga Shacabka ee Jamhuuriga ah ee bidixda dhexe (Republican People’s Party) iyo Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Wadaniyiinta ee midigta fog (Nationalist Movement Party).

Oglu

(Ekmeleddin İhsan Oğlu)

Musharraxa Kurdiyiinta ee lagu magacaabo Selahaddin Dmirattash oo ah 41 Kurdi ah ayaa ka socda Xisbiga Shacabka ee Dimuquraadiga ah (People’s Democratic Party) ee garabka bidix.

Dmirattash

(Selahaddin Dmirattash)

Haddii wareega 1-aad ee doorashada uu mid ka mid 3-da musharrax keensan waayo natiijo dhan 50+1 waxaa lagu celin doonaa wareeg labaad oo ay ku tartamayaan labada musharrax ee ugu codadka badan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!