Shacabka Muqdishu oo turkiga ku amaaney bilicaynta Muqdishu

Read Time:52 Second

Dowlada Turkiga aya waxay Magaalada Muqdisho ka sameyneysaan howlo Mashaariic kala duwan oo ay ka mid tahay howlaha dib u dayactirka Qeybaha Muhiimka u ah Bulshada iyo laamiyada wadooyinka Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay saareyso laamiyo casri ah.Dowlada Turkiga aya noqoneysa Dowladii ugu horeysay ee u soo gurmata dadk Soomaaliyeed ayagoo la tacaalaya dhibaatooyin fara badan.
Iminka magaalada muqdisho waxay ka sameyneysaa Dowlada Turkiga howlo dib looga dayactiraayo dalka iyo sidii dib looga soo celin lahaa bilicdii muqdisho oo ay lahayd sanado ka hor.
Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho ayaa ku Amaanay Dowlada Turkiga Howlaha dib u dayactirka iyo soo celinta bilicdii muqdisho oo ay ka sameyneyso Magaalada.
Shacabka Muqdisho oo wejiyadooda laga dareemaayo farxad aya sidoo kale ku Amaanaya Dowlada Turkiga Laamiyada Casriga ah oo ay Saareyso qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa hada ka soconaayo howlo dib looga soo celinaayo Bilicda Magaalada ay lahayd sanado ka hor iyo welibo Wadooyin muhiim u ah Bulshada oo lagu sameeynaayo dayactir balaaran, taasi oo ay sameyneyso Dowlada Turkiga.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %