Shacabka Hiliwaa oo ku wareersan amarrada dowladda iyo Alshabaab

Read Time:1 Minute, 0 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Shacabka ku nool degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho ayaa ku jiha wareersan amar maamulka cusub kusoo rogay iyo waraaqo ay daadiyeen Alshabaab kuwaasoo kazoo horjeeda amarka maamulka degmada.

Maamulka cusub ee degmada Hiliwaa oo dhawaan bilaabay furitaanka wadooyinka geedaha iyo guryuhu xireen ayaa amar ku bixiyey in guri kasta wajigiisa hore laga shido nal habeenkii dhan daarnaanaya.

Markii maamulka degmada Hiliwaa amarkaas bixiyey ayaa Alshabaab xaafadda Suuqa-xoolaha oo ka mid ah Hiliwaa ku daadiyeen waraaqo ay shacabka uga digayaan iney fuliyaan amarka maamulka dowladda ee ah iney nanal ku xiraan wajiga hore ee guriga.

Waqaaqaha la daadiyey ayaa lagu sheegay in tilaabo laga qaadi doono qof kasta ee gurigiisa hortiisa nal ka shida habeenkii, taasoo keentay in xalay dadkii nalalka xiray damiyaan.

“Maalin ka hor ayaa waraaqo lagu daadiyay xaafada Suuqa Xoolaha oo dadka looga digayay in nalal ay shidaan habeenkii, xalay dhamaan nalalka xaafadaha waa la damiyey, amarkii Alshabaab ayay dadweynuhu u hogaansameen” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku dhaqan Suuqa Xoolaha oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Degmada Hiliwaa ayaa ka mid ah degmooyinka ay Alshabaab si weyn ugu dhuumaaleystaan, waxaana mararka qaar ka dhaca weeraro toos ah oo habeenkii ah.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.