Shacabka gobalka Gedo oo codsi ka dhan ah damaca madaxtooyada Pentland u diray xukuumadda Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shacabka gobalka Gedo oo codsi ka dhan ah damaca madaxtooyada Pentland u diray xukuumadda Soomaaliya

Dhowaan waxaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble uu magcaabay guddi loo xilsaaray dib-u-heshiisiinta iyo dhexdhexaadinta maamulka gobolka iyo iyo hoggaanka Axmed Madoobe ee Dawlad Goboleedka Jubaland.

Dib-u-heshiisiintan waxay qayb ka tahay heshiishkii doorashada ee dhowaan lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Guddigan uu magcaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa ka mid ah Wasiir Arrimaha Gudaha ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Warsame oo loo garan og yahay “Dhabanacad”.

Dadka reer Gedo oo muddo khilaaf kala dhexeeyey Maamulka Axmed Madoobe ee Jubaland waxay u arkeen magcaabidda Dhabanacad mid lagu wiiqaysa dadaalada dib-u-heshiisiinta si ay doorasho uga dhacdo magaalada Garbaharray, iyagoo sheegay in Dhabanacad oo ka socda Siciid Cabdullahi Deni aanu ka shaqayn karin wadahadallo mira dhala oo lagu soo afmeero diidmada maamulka Jubaland ee ka jirta guud ahaan gobolka Gedo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa qofkii ugu hadal adkaa ee weerar joogta ah ku hayey dadka reer Gedo iyo maamulkooda intii lagu guda jiray murankii doorashooyinka dalka.

Deni iyo maamulka Puntland marna kama shaqayn xallinta arrinta Gedo, laakiin waxay barbar-istaag u muujiyeen maamulka Axmed Madoobe ee ka taliya magaalada Kismaayo.

Kullamo ay ku yeesheen magaalooyinka kala duwan ee gobolka Gedo, ayaa si weyn dadka degaanadaasi uga hor yimaadeen in Dhabanacad uu qayb ka noqdo dadaalada dib-u-heshiisiinta, waxana ay ku baaqeen in shakhsigaasi la bedelo. Odayaasha, haweenka, dhalinyarada iyo guud ahaan waxgaradka reer Gedo waxay isku raacsan yihiin in aan la la aqbali Karin inuu guddigaasi qayb ka ahaado Maxamed Cabdiraxmaan Warsame Dhabanacad.

Maxay tahay Ujeedada ka danbaysa in Dhabanacad uu qayb ka ahaado guddiga Gedo?

Ilo xog-ogaal ah ku dhowa maamulka Puntland iyo mucaaradka Muqdisho ayaa sheegay in wasiirka arrimaha Gudaha ee Puntland uu ka shaqayn labo arrin oo muhiim ah oo ay u wakiisheen:

1. Qodobka kowaad waa in uu ka shaqeeyo in doorashada xildhibaanada gobolka Gedo dib loo dhigo isla markaana waqtiga lagu dhameeyo wadahadalo aan mira dhalin iyo abuuritaan carqalado hor leh.

2. Qodobka labaad ee loo wakiishay Dhabanacad waa in uu ka shaqeeyo in aanay doorasho ka dhicin Garbaharray oo aanay u diyaarsanayn, sidaa awgeed loo baahan yahay in doorashada lagu qabto Kismaayo.

Warbixinta iyo soo-jeedinta in doorashada lagu qabto hal magaalo waxay ka iman doontaa guddiga uu xubinta ka yahay dhabanacad oo sida la sheegay ay mucaaradku doonayaan inay laaluushaan.

Mucaaradka Muqdisho, Deni iyo Axmed Madoobe waxay lacag ku bixinayaan sidii ay guddiguu soo saari lahaayeen warbixin iyo talooyin ku aaddan in doorashada lagu qabto magaalada Kismaayo.

Dad badan oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa kula taliyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble in qayb-ka-ahaanshaha Puntland ee arrinta dib-u-heshisiinta gobolka Gedo ay tahay in caqabad lagu kordhiyey mushkiladihii horay u jiray, loona baahan yahay in booskaas lagu bedelo maamul dhexdhexaad ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.