Shabeellaha Hoose: Labo qof oo aano qabiil loogu dilay deegaanka Buufow

Read Time:1 Minute, 9 Second

Shalaambood – Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in shalay galab deegaanka Buufow oo ku dhow Shalaambood lagu dilay labo nin oo ahaa maamulka ceel biyood deegaanka ku yaalla.

Raggaan oo ku sugnaa ceel-biyood ayaa waxaa la sheegay in ay halkaas ku weerareen rag ku labisnaa dareyska ciidanka oo ay toogteen.

Nuur Cismaan Raage, gudoomiyaha deegaanka Shalambood ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in raga dilka geystay ay ka yimaadeen magaalada Marko, islamarkaana ka amarqaataan gudoomiyahada degmada Marko, Maxamed Cismaan Yariisoow.

Nuur Cismaan Raage, ayaa wuxuu ku baaqay in wax laga qabto maleeshiyaadka dadka ku dila inta u dhaxeysa Lambar 50 iyo Marko, isagoo xusay in maalmo ka hor deegaanka Lambar 50 lagu dily askar dowladda ka tirsan kadib markii gaari lagala degay.

Maxamed Cismaan Yariisoow, guddoomiyaha degmada Marko, ayaa iska fogeeyey in dilka ka dhacay Buufoow, ay ku lug leeyihiin ciidamo isaga ka marqaata.

Wuxuu ka codsaday dowladda Soomaaliya in arintani baaritaano deg deg ah ku sameyso si sharciga loo waafajiyo ragii ka dambeeyay dil wadareedka ka dhacay deegaanka Muuri ee gobalka Shabeelaha Hoose, falkaasoo oo habeen hore lagu dilay ilaa 5 ruux.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata iney ka caajistay  kala qabashada beelaha isku dilaya Shabeellaha Hoose, iyadoo welibada dadka dilalka geysanaya ay intoobadan ku jiraan ciidamada milateriga ah ama ciidamada ay kala wataan qaar ka mid ah raga ka tirsan maamulka Shabeellaha Hoose.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %