Shabeellaha Hoose: Dilal qaqal geliyey amaanka oo kasii socda Qoryooley * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shabeellaha Hoose: Dilal qaqal geliyey amaanka oo kasii socda Qoryooley

Mareeg.com: Tuulo aad ugu dhow magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xalay lagu dilay nin nabadoon ah iyo labo qof oo kale.

Saddexda qof ee la dilay ayaa wararku sheegayaan in labo ka mid ah la gowracay.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Maxemed Nuur Siidii ayaa sheegay in dilka dadkaas loo geystay ay ka muudqaan astaamaha Alshabaab.

Dilka saddexdaan qof ayaa ka dhigaya dadka dhawaanahan lagu dilay magaalada Qoryooley ilaa 14 ruux.

Qoryooley ayaa waxaa ka jira isku dhacyo beeleed, iyadoo dhanka kalana mararka qaar Alshabaab falal ka fuliyaan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!