Shabeellaha Dhexe: Biriq sababtay dhimasho & dhaawac * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shabeellaha Dhexe: Biriq sababtay dhimasho & dhaawac

Jowhar – Mareeg.com: Wararka ka imaanaya tuulada Biyo-cade oo hoostimaada degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ilaa saddex ruux ku geeriyoodeen ilaa lix kalana ay ku dhaawacmeen biriq ama danab ku dhacday gurri ku yaalla halkaas, kaasoo ay roob da’ayey uga okoranayeen dhowr qof.

Dadka ku dhaawacmay biriqdaan ayaa la sheegay ineysan si deg deg ah u helin gargaar caafimaad maadaama tuuladu aysan laheyn goob caafimaad oo wax u qaban karta.

Macallin Abuukar Muuse Mataan oo dadka deegaanka ka tirsan ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah la geeyay goob yar oo caafimaad, taasoo ku taalla Biyo-cadde.

Tuulada Biya-cadde ayaa ka mid ah deegaanada la isku yiraahdo Afarta Tuulo, waxeyna 40-km dhinaca bari ka xigtaa magaalada Jowhar.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!