Shabeelaha Hoose oo dib ula wareegaya deegaanada ka maqan gacan ku heyntiisa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shabeelaha Hoose oo dib ula wareegaya deegaanada ka maqan gacan ku heyntiisa

Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Cali Nuur oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in deegaanno ka maqan gacanta dowladda ay dib u soo ceshanayaan.

Mr Cali Nuur ayaa ku nuux nuuxsaday in meelaha lala wareegayo ay ku jiraan deegaanno dhawaan Al Shabaab-ku ay dib u qabsadeen.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa ka dalbaday shacabka ku nool Gobolka Shabeelaha Hoose ay isku diyaarinayaan qorsho cusub oo ku aadan xaqiijinta Nabad Gelyada Gobolka Shabeelaha Hoose.

Si kastaba dhawaan ayey ahayd markii deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ay faarujiyeen Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!