Shabaab oo xalay gudaha u gashay degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shabaab oo xalay gudaha u gashay degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay gudaha u galay degmada Afgooye oo 30-KM galbeed ka xigta magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalyahanada Shabaab ayaa weeraray koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, waxaana ay muddo kooban qabsadeen saldhiga booliska degmada.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Al-Shabaab muddo ay ku sugnaayeen degmada, waxaana la sheegayaa in dhowr gawaari oo yaallay saldhiga Booliska ay kaxeysteen.

Wararka ayaa intaa ku daraya weerarka Al-Shabaab ku qaadeen Afgooye uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, walow aan la heyn tirada rasmiga ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ku aadan weerarka Al-Shabaab xalay ku qaadeen Afgooye.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadaan, waxaana habeen ka hor ay weerareen deegaanka Calamada oo u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!