Shabaab oo sheegtay qarxinta gaariga UN ee Garowe

Mareeg.com: Xarakada Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax saaka ka dhacay xarrunta UN-ku ku leeyahay Garowe.

War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in weerarka qaraxa ah ay iyagu ka dambeeyeen ayna beegsadeen shaqaalaha UN-ka.

Alshabaab waxey sheegeen iney dileen 10 ruux oo la socday baska la qarxiyey, halka maamulka Puntland warar laga helay sheegayaan in dadka dhintay yihiin 7 ruux.

Afar kamid ah dadka dhintay ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen ajinabi u shaqeynayey Qaramada Midoobey.

 

Alshabaab weli ma faahfaahin qaabka ay u qarxiyeen gaariga baska ee UN-ku lahaa, kaasoo ku qarxay afaafka hore ee xarrunta Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Garowe.

Sarkaal ka tirsan booliiska Puntland, ayaa sheegay in ay u muuqato in qaraxu ahaa miino lagu xiray gaariga.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245