Shabaab Isku Qarxin Rabay Bandhig Muqdisho Lagu Qabtay Iyo Dadkii Ka Qeyb Galay Oo Halis Galay! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shabaab Isku Qarxin Rabay Bandhig Muqdisho Lagu Qabtay Iyo Dadkii Ka Qeyb Galay Oo Halis Galay!

Bandhig Faneed Magaalada Muqdisho Habeenkii xalay ahaay lagu qabtay mid kamid ah Hoteelada ku yaalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho oo laga soo dhex qabtay Al shabaab isku qarxin rabay.
Labo dhalinyaro ah oo katirsan Kooxda Al shabaab islmarkaana doonayay in aay isku qarxiyaan Bandhig faneed Xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa laga soo dhex qabtay markii uu meel dhexe maraayay Bandhigaasi taaso qasabtay in mudo 30 daqiiqo ah hakad galo bandhigaasi.
Labada dhalinyarada ah ee la sheegay in aay doonayeen in aay isku qarxiyaan Bandhigaasi Magaalada Muqdisho u kuqabtay Fanaanka Dayax Dalnuurshe oo dhawaan Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa laga war helay kadib markii Ciidanka sida gaarka u taba baran gudaha u soo galeen goobta Bandhigaasi ka socday kadibna aay soo qabteen dhalinyaradaasi oo la sheegay in ugu danbeyn laga helay biskoolado iyo waxyabaha qarxa waloow laamaha Amaanka aynaan ilaa iyo haatan wax faah faahina ka baxin waloow wararka qaar sheegayaan in aay ku daba jireen dhalinyaradaasi.

Dadkii Bandhigaasi ka qeyb galaayay oo durba cabsi soo wajahday ayaa markii danbe isaga kala cararay halkaasi iyadoo dhalinyarada la soo qabtay saarnaayeen goobta masraxa Fanaanka ku heesayay lamana oga shaqsiyaadka fududeeyay in gudaha la soo galaan waxyaabaha qarxa iyo biskoolado.
Labadaasi dhalinyarada ah ayaa sidoo kale la xaqeejiyay in aay baxsheen lacago ka baddan lacagtii lagu soo galaayay Bandhigaasi taaso shaki weyn sii abuurtay.
Dayaxxxx

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!