Senator Abshir Bukhaari Metele la Mahdiyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamad Farmaajo ayaa maalmahan booqasho ku maraya degaannada Puntland iyo Galmudug.Socdaalka waxaa lagu summaday nabad iyo nolol sida hal dheggaba u ah dawladdiisa

Safarka Madaxweynaha wajigiisa koowaad ayaa soo dhammaaday, oo uu ku joogay Maamulka Puntland isaga oo booqday Magaalooyinka Garoowe, Qardho Boosaaso iyo Waqooyiga Gaalkacyo.

Maanta waxaa la filaa in Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ay yimaadaan una soo gudbaan degaannada iyo Magaalooyinka Galmudug oo ay ugu horrayso Gaalkacyo koofurteeda oo ay ku sugayaan Senatorro, xildhibaanno iyo Wasiir heer federaal ah, waxaana wehliya Masuuliyiinta Maxalliga ah.

Madaxda dawladda dhexe ka tirsan ee sugaysa Madaxweyne Farmaajo waxaa ugu culus Senator Abshir Bukhaari oo ah guddoomiyaha koowaad ee Aqalka sare, oo laga soo doortay degmada Cadaado.Senator Abshir Bukhaari ayaa degaanka ugu socdaalay sidii uu u soo dhaweyn lahaa Madaxweynaha, maadaama uu ku sugan yahay degaan uu ku metelo siyaasadda iyo maamulka.

Senator Abshir Bukhaari dad badan waxay ku xantaan in uu mucaarad yahay haddana tani waxay meesha ka saareysaa fekerkii qaldanaa ee laga haystay Senatorka. Wuxuu ka geesisan yahay xildhibaanno kale oo degaanka Galmudug laga soo doortay oo mucaaradnimo keliya ku caan ah, oo marka ay degaan joogta aan la arag ama la maqal.

Magacyo uma baahna in la sheego oo waa la wada yaqaan waxaanse rabaa in aan halkan marqaati idin kaga dhigo in senator Abshir Bukhaari uu la yimid siyaasadad furfuran si kasta oo uu dawladda u dhaliilsanaan karo maxaa yeelay ma ahan wax is ku xiran soo dhaweynta Madaxweynaha oo jooga degaanka lagaa soo doorto iyo in aad ku khilaafsan tahay Sida uu dalka u maamulayo.

Cabdinaasir Xersi Iidle

Naasirx1@gmail.com

Attachments area

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245