Sawirro: Xildhibaankii milaterigu dilay oo lagu aasay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro: Xildhibaankii milaterigu dilay oo lagu aasay Muqdisho

Mareeg.com: Waxaa maanta Muqdisho lagu aasay, xilhdibaan, Yuusuf Max’ed Dirir oo 23-kii bishaan ciidan ka tirsan milateriga Soomaaliya ay ku dileen wadada Maka Almukarrama. Dilkaas ayaa wasaaradda amnigu shalay ku sheegtay mid ku dhacay mas’uuliyad darro.

Waxaa aaska ka qeybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar, Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, Ehellada Marxuumka iyo dad kale.

Jeylaani Nuur Iikar oo aaska ka dib la hadlay saxaafadda ayaa ehellada iyo qaraabada Marxuumka u tacsiyeeyay, wuxuuna laamaha ammaanka ka dalbaday in si deg deg ah loo soo qabto dadkii ka dambeeyay dilka Xildhibaanka.

Guddomiyaha Maxkamadda Sare, Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf oo isaguna hadlay faah faahiyay inta uu ka yaqaanno Marxuum Xildhibaan Yuusuf Max’ed Dirir, isagoona ku nuuxnuuxsaday in uu ahaa nin ay aad u wada jecelyihiin dadka yaqaanno.

Sabtidii lasoo dhaafay ayaa xildhibaanka la dilay oo watay gaari yar, uuna la socday xildhibaan kale oo lagu magacaabo Cabdalla Boos Axmed ayaa waxaa rasaaseeyey gaari la sheegay in milaterigu lahaa.

IMG_9481IMG_9494IMG_9495IMG_9507IMG_9513IMG_9522

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!