Sawirro: Weerarkii Alshabaab ku qaadeen xarrunta Shirka Cadaado

Read Time:44 Second

Mareeg.com: Ciidamada ammaanka ee Magaalada Cadaado ayaa fashiliyay weerar ismiidaamin iyo dagaal toos ah isugu jiray oo ciidamo ka tirsan Shabaab ay ku qaadeen Hoolka Kafaalo oo ay degan yihiin Ergada Cadaado ku sugan.

Afar nin oo mid ka mid ah uu isqarxiyay, xilli uu baabuur watay ayaa fulisay weerarkaan, halka saddex kalena ciidamada ammaanka Xarunta kafaalo ay toogteen.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay in ciidanka oo heegan ku jiray ay madaxa ka toogteen saddexda ruux ee kale, marka laga soo tago qofka is qarxiyay.

Fagaaro ku yaallo Magaalada Cadaado ayaa lagu soo bandhigay raggaan meydadkooda oo Saxaafadda muuqaal ay halkaasi uga duubtay.

Ergada ku sugneyd hoolka Kafaalo wax khasaaro ah ma aysan soo gaarin sida ay shegtay Wasaarada Amniga Gudaha.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo Shabaab ay ka fuliyaan Magaalada Cadaado oo Ismiidaamin iyo rasaas toos ah isugu jirta.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.