Mareeg Media
Somalia

Sawirro:-Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeer ku tagay Xerada Gen.Gordan ee Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil.Xasan Cali Maxamed oo ay wehliso Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Marwo Aamina Siciid ayaa waxa ay kormeer ku tageen Xarunta Tababarada General Gordan ee Muqdisho,taas oo hore Gacanta ay ugu heysay dowladda Imaaraadka Carabta, Balse ay la Wareegtay dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xog-wareystay Taliska Guutada 14 Octoobar ee Degan Xaruntaas,isla markaana ku dhiirageliyay shaqada qaranka ay u hayaan.

Sidoo kale Xasan Cali Maxamed  ayaa Sarakiisha u sheegay in dowladda ay hogaaminayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre hore ay u balanqaadeen in dowladu Dabooli Doonto .”Waxaan Arkayaa in Balanqaadkii uu fulay oo Dowladu ku guuleysatay Waana Guul weyn”ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Dhanka kale Marwa Aamina Siciid ayaa xustay in Madaxtooyatu ay kala shaqeyndoonto Bilicda Xarunta Taliska Guutada 14 Octoobar.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!