Mareeg.com: Wasiirka difaaca xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta kormeer ku tagay goob laga dhisayo Kuliyada Saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxana kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka Jen. Daahir Aaden Cilmi iyo saraakiil kale.
Wasiirka ayaa soo kormeeray goobta ay dowladda Turkigu ka dhisayso xerada, isagoo sidoo kalena warbixinno ka dhageystay Injineerka howshaasi gacanta ku haya ee Turkida ah.
Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay sida ay u socoto dhismaha xerada uu maanta kormeerka ku tagay, isagoo intaasina ku daray in dhismaha xeradan uu muhiim u yahay wasaaradda gaashaandhiga dalka.
“Waxaa wax lagu farxo ah horumarka iyo dhismayaasha cusub ee ka socda xeryaha ciidamadda, waana mid qof walba oo Soomaali ah farxad gelin kara, sidaas darteed waxaan u mahadcelinayaa dowladaha aan walaalaha nahay ee qeybta ka qaadanaya horumarka ciidamadda Soomaaliyeed gaar ahaan dowladda Turkiga oo howshan gacanta ku haysa” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya, C/qaadir Sh. Cali Diini.
Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xusay in Wasaaraddu ay sii wadi doonto howlaha dib u dhiska ah ee lagu sameynayo dhammaanba xarumaha ay leedahay Wasaaradda Difaaca.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.