Sawirro: Wafdi Puntland ah oo wata ciidan badan oo gaaray gobolka Sool

Read Time:41 Second

Mareeg.com: Wafdi ka socda maamulka Puntland oo ay ilaalinayaan ciidamo farabadan ayaa gaaray deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool, islamarkaana ah halka maamulka puntland u adeegsado sida xarrunta gobolka Sool, maadaama Laascaanood gacabta ugu jirto maamulka Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) wasiirka Amniga, Xasan Cismaan Maxamuud Alloore, xildhibaano iyo taliyaha ciidanka Puntland, Saciid Dheere ayaa ka mid ah wafdiga gaaray halkaas.

Mas’uuliyiintan ayaa la sheegay iney u tageen halkaas sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda amaan ee deegaanada ay maamulka Puntland ka joogaan gobolka Sool.

Wafdiga maamulka Puntland oo muddo kooban joogay deegaanka Tukaraq ayaa dib ugu noqday Garowe, kadib markii ay la kuleen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Deegaanada Sool ayaa waxaa inta badan ku loollama maleeshiyaad ka kala socda Somaliland, Khaatumo iyo Puntland, iyado dadka deegaanku kala taabacsan yihiin. Cabdi-Yare-450x300Copy-of-IMG_6765-450x300Copy-of-IMG_6842-450x300IMG_6798-450x300IMG_6858-450x300IMG_6871-450x300

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.