Sawirro:-Wafdi maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo
Wafdi uu hogaaminayo Taliyihii hore ee Ciidamada xooga dalka Soomaaliya Gen-Cabdi Wali Jaamac Gorad ayaa maanta waxa uu gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,hlkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay wafdiga uu la socday Gen.Gorad madax ka tirsan Galmudug iyo Puntland,Odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala ee bulshada ku dhaqan Gaalkacyo.
Ujeedka uu maanta u gaaray Magaalada Gaalkacyo taliyihii hore ee Ciidamada xooga dalka ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii uga qeyb qaadan lahaa nabadda Gobolka mudug iyo deegaanada ku dhow dhow.
Gen.Cabdi Wali Jaamac Gorad ayaa waxa uu horey u ahaa Taliyihii hore ee Ciidamada xooga dalka Soomaaliya,waxaana dhawaan xil ka qaadis ku sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Comments are closed.