Sawirro:-Wafdi Caalami Ah Oo Soo Gaaray Muqdisho Iyo Soo Dhaweyn Loo Sameeyay

Read Time:40 Second

Waxaa Goordhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde kasoo degay Wafdi Caalami ah oo socda dalka Eriteriya,iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha.

Wafdiga ka socda dalka Eriteriya ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda Dalkaasi Mudame Cusmaan Saalax,waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay oo uga hortagay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyr,xuno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedka maanta wafdiga ka socda Eriteriya ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa uu daba socdaa booqasho uu dhawaan ku tagay Magaalada Asmara ee Caasimada Dalka Eriteriya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Framaajo,booqashadaas ayaa bilow u ahaa xiriira ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Eriteriya,Wafdigaan ayaa hordhac u ah Wafdi kale oo socda Eriteriya ee imaan doono Soomaaliya.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %