SAWIRRO:-Tallaalkii ugu horreeyay COVID-19 oo soo gaaray Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

SAWIRRO:-Tallaalkii ugu horreeyay COVID-19 oo soo gaaray Muqdisho

Shixnadii u horreeysay ee tallaalka Cudurka halista ah ee COVID-19 ayaa Maanta oo Isniin ah soo gaartay Magaalada Muqdisho, waxaana diyaarad ay kasoo qaaday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo kasoo degtay Garoonka Aadan Cadde.

Wasiiro oo ay horkaceyso wasiirka Caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa garoonka ku guddoomay shixnadda tallaalka ah, waxaana goobjoog ka haa Waskiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Tallaalka wuxuu gaaraya ilaa 300,000 oo ah nooca Oxford-AstraZeneca si loo gaarsiiyo boqolkiiba 20 dadka ku nool Soomaaliya.

Waxaana tallaalkan la siin doono, howlwadeenada caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada Booliska, dadka da’da ah iyo dadka la daala-dhacaya xanuunada kala duwan.

Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka ka faa’ideysanayo barnaamijka Covax ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobey ee tallaalka Covid-19 lagu gaarsiinayo waddamada saboolka ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.