Sawirro: Shirkad Turki ah oo baareysa tayada badeecada Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro: Shirkad Turki ah oo baareysa tayada badeecada Soomaaliya

Mareeg.com: Sida uu qorayo heshiis cusub oo dhexmaray wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya iyo shirkad Turki ah, hadda kadib waxaa la baari doonaa tayada badeecooyinka lasoo geliyo iyo kuwa laga dhoofiyo dalka Soomaaliya.

Heshiiska waxaa dhanka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya u xasiixay Wasiirka Wasaaraddaas, Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan, halka shirkadda Turkiga ah ee lagu magacaabo PGM uu u saxiixay gudoomiyaha Guddiga Maamula Dr. Arif Canacik.

Heshiiska dhexmaray labada dhinac waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirrigelinta Maalgashiga Soomaaliya, Khaalid Cumar Cali iyo Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Danjire Olgan Bekar.

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya, C/raxmaan Cabdi Cusmaan ayaa saxiixa heshiiskan kadib u sheegay warbaahinta in baaritaanka badeecooyinka dalka soo gala iyo kuwa la dhoofiyaba muhiimadda weyn u leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

“Shirkaddan waxa ay ilaalinaysaa tayada badeecadaha dalkeenna la keeno iyo kuwa laga dhoofiyo. Dowladda ayaa ka masuul ah in qofka Soomaliga ah uu helo cunto iyo daawo tayo leh. Waa waajib saaran dowladda, gaar ahaan wasaaradda in ay ka fekerto tayada badeecooyinka dalka la keeno, lagana dhoofiyo’ ayuu yiri wasiir C/raxmaan.

Danjire Olgan Bekar oo ahj safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda heshiiska ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay go’antahay sidii ay uga qeybqaadan lahayd dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada ay dowladda Soomaaliya u qabato shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan jeclahay inaan idiin sheegno in Turkiga uu sii wadi doonto taageerada uu siiyo shacabka Soomaaliyeed, heshiiskanna qeyb ayuu ka yahay qorshaha aan ku xoojineyno hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya” ayuu yiri Danjire Olgan Bekar.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo markii munaasabaddu dhamaatay kadib xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Turkiga, Danjire Olgan Bekar iyo wafdiga la socday, ayaa caddeeyay in Soomaaliya dhankeeda diyaar u tahay sidii looga mira dhalin lahaa heshiiskan cusub ee lagu baarayo tayada badeecooyinka.

Shirkadda PGM ayaa ah shirkad caalami ah oo xafiisyo ku leh dalal badan oo caalamka ah, fadhigeeduna yahay dalka Turkiga, waxeyna aqoon badan u leedahay qaabka loo baaro badeecooyinka kala duwan ee dalalku lasoo degaan ama dhoofiyaan.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii Soomaaliya, sanadkii 1991-kii, waxaa Soomaaliya la keenaayey badeecooyin iyo dawooyin aad tayo hooseeya, iyadoo haatan ay dowladda waqti badan ku qaadan doonto si ay uga hortegi laheyd.

 

 Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!