Sawirro:-Shir sedex geesood ah oo lagu qabtay Magaalada Asmara + maxaa looga hadlay — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro:-Shir sedex geesood ah oo lagu qabtay Magaalada Asmara + maxaa looga hadlay

Magaalada Asmara ee caasimadda Dalka Eritrea ayaa waxaa ka dhacay shir sedex geesood ah oo u dhexeeya Soomaaliya,Eritrea iyo Itoobiya, iyadoo hoggaamiyaasha dalalkani ay ka wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa arrimaha ka dhex taagan Jabuuti iyo Eritrea.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya AXmed Ciise Cawad  oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay ka wada hadleen arrimaha ka dhex taagan Jabuuti iyo Eritrea.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxda ay go’aamiyeen in wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkan ay si degdeg ah u bilaabayaan wadaa xaajoodyada labada dhinac,si loo soo afjaro xisadaha labada dal ka dhexeeya.

Dhanka kale Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa heshiis saddex geesood ah ku kala saxiixday magaalada Asmara.

Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayaa in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar.

Shirkan ayaa qeyb ka ah qorshayaal lagu hirgelinayo ka faa’idaysiga heshiisyo caalami ah oo horey looga gaaray wadamo uu kamid yahay Shiinaha,halkaasi oo dhawaan lagu soo geba gebeeyey shirka iskaashiga Shiinaha iyo Africa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!