Sawirro: Saraakiisha maamulka Juba oo sheegay iney kus socdaan Jilib * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro: Saraakiisha maamulka Juba oo sheegay iney kus socdaan Jilib

Mareeg.com: Ciidamada Maamulka KMG ah Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe oo ay kaabayaan ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay ku sii siqayaan degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, sida laga soo xigtay saraakiisha maamulka Juba.

Ciidamada, ayaa waxay saacadihii ugu dambeeyay ay la wareegeen deegaano ay ka mid yihiin Qam-qaam, Yoontoy iyo deegaano kale. Waxayna deegaanadaasi ku yaallaan inta u dhaxeyso Buulo Gaduud iyo Kamsuumo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Ciidanka Maamulka KMG ah ee Jubba Col. Aadan Maxamed Ibraahim (Aadan Koojaar), ayaa rawbaahinta u sheegay inay ku taagan yihiin wadada tagta degmada Jilib.

Wuxuu ku hanjabaya taliyahan iney Alshabaab kala wareegi doonaan degmada Jilib, halkaasoo Alshabaab maamulaan, dhowr jeer oo horana ciidamada Kenya cirka ka duqeeyeen.

Ciidamada Huwanta ah ayaa wata diyaarado dagaal oo ka mid yihiin kuwa qumaatiga u kaca, kuwaasoo ciidamada dhula ku garab siinaya, dagaalka, islamarkaana saadka u geynaya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.