Mareeg Media
Somalia

Sawirro:-Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab oo lagu dilay Gobolka J/hoose

Ciidamada Darawiishta Jubbaland iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa cagta mariyay labo aag oo ay Al-Shabaab fariisin ku lahayeen oo ku yaala deegaanka Janaay Cabdalle ee Gobolka Jubada Hoose.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay Ilaa 18 kamid ah Kooxda Al-Shabaab oo horjoogeyaal ay ku jiraan in lagu dilay howlgalkan iyadoo laga soo furtay hub kala duwan oo ay heysteen Argagixisada.

Hubkan oo isugu jira lix qori oo AK47 ah iyo labo BKM iyo hal isgaarsiinta Ciidanka ah ayay Ciidamada Jubbaland howlgalkii maanta kaga soo furteen Al-Shabaaab.

Ciidamada ayaa maalmahii lasoo dhaafay howlgallo ay ka sameeyeen Jubbada Hoose ka gaaray guulo waa weyn, iyagoo meelo badan oo ay Shabaabku dadka ku dhibaateynayeen laga xoreeyay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!