Sawirro: Saddex sarkaal oo lagu dilay qarax ka hor-dhacay Xerada Gaadiidka Booliska Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro: Saddex sarkaal oo lagu dilay qarax ka hor-dhacay Xerada Gaadiidka Booliska Soomaaliya

Mareeg.com: Qarax gaari ayaa saaka ka dhacay meel kasoo horjeedda Xarrunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/caziiz ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa u muuqday inuu ahaa mid lala beegsadsay saraakiil fadhiyey meel baar ah oo kasoo horjeedda xarrunta Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed.

Warar horudhac ah oo soo baxay ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen ilaa 3 ka mid ah saraakiisha booliska oo fadhiyey baarka gaariga qarxay la hordhigay.

Sida warku sheegayo, Saraakiisha Qaraxa ku geeriyootay ayaa kala ahaa, Taliyihii Saldhiga Booliska Heliwaa, Taliyihii Saldhiga Ciidamada Booliska Suuqa Bakaaraha iyo Taliye ku xigeenkii Saldhiga Degmada Howlwadag.

Gaari nooca Somalida u taqaan SURF ayaa halkaasi ku qarxay, iyadoo gaariga uu ka bur buray Qaybta dambe oo kaliya.

Ruuxii waday oo meyd ah ayaa ag yaallo goobta gaariga ku qarxay sida laga dheehanayo Sawiro goobta laga soo qaaday.

Taliyaha ciidamada Booliska qaybta Gobolka Banaadir Cali Xirse Barre (Cali Gaab) xaqiijiyay in saddex sarkaal qaraxaas ku dhimatay, isagoo xusayin Qaraxaasi lala damacsanaan Xerada Gadiidka Booliska.

“Waxa ay rabeen in ay gaariga ku dhuftan Albabka Hore Ee Xerarada lakiin intii uusan soo leexan ayuu gaariga qarxay, ninkii waday waa kaa gaariga dhinac yaalla hadda sadax sargaal ayaa ku dhimatay, dad kale oo maqaayadda fadhiyayna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray” Sidaasi waxaa Yiri Gen Cali Xirsi Barre.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!