Sawirro: RW Cumar oo komeeray dekedda Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro: RW Cumar oo komeeray dekedda Muqdisho

Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaailya, Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ayaa maanta kormeer ku tagey Dekedda Muqdisho.

Kormeerka RW ayaa u jeedkiisu ahaa, inuu u kuurgalo habmsami u socodka howlaha ka socda dekedda Muqdisho.

Cumar C/rashiid ayaa indha-indheeyey qeybaha ay koobantahay dekadda Muqdisho oo ay ka socdeen shaqooyin farabadan.

Wuxuu Ra”iisul Wasaaruhu dekedda kula kulmay maareeyaha Dakedda C/llaahi Cali Nuur iyo masuuliyiinta shirkadda Al-beyrak ee dalka Turkiga oo maamula dakedda Muqdisho.

Cabdullaahi Cali Nuur oo ah Maareeyaha dakedda Muqdisho, oo kulanka kadib la hadlay saxaafadda, ayaa ka warbixiyey waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wada hadleen iyaga iyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid.

“Maanta waxaa booqasho noogu yimid, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, taas oo ka mid ah howlmaalmeedka dowladda, gaar ahaan meelaha ugu muhiimsan sida garoonka diyaaradaha iyo Dakedda, Ra’iisul Wasaaraha isagoo arrimahaas u kuurgalaya ayuu na soo booqdey, warbixinno ayaana ka siinay, waxaana u gudbinay waxyaabihii qamsoomay todobadii bilood ee la soo dhaafay” ayuu yiri maareeyaha dakedda Muqdisho, C/llaahi Cali Nuur.

Maareeyaha Dakedda Muqdisho, ayaa sheegay in horumar la taaban karo uu ka jiro dakedda, gaar ahaan dhinacyada qalabka lagu qabto howlaha iyo qaabka howlgalka oo noqdey mid la mid ah dekadaha waa weyn ee dunida.

“Waxaa Dekedda ka muuqda isbadel la taaban karo, burburka dalka ku dhacay ayaa dakedda saameeyey, laakin hadda awood ay kula tartami karto dekedaha adduunka ayey leedahay, Maraakiibta oo todobaadka taagnaan jirtay hadda 48 saacadood gudahood ayaa lagu dajiyaa, waa nidaamka dekedaha caalamka oo kale, waana horumar weyn oo uu dalka gaaray” yiri Maareeye C/laahi Cali Nuur.

Shirkad lagu magacaabo Al-beyrak oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa maamusha dekedda Muqdisho, taasoo wax badan ka badeshay qaabkii shaqo ee dekedda, bil kastana kasoo saarta lacag xoog leh.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!