Sawirro: Roob xalay hooray oo boholo ka sameeyey Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Xalay waxaa Muqdisho ka da’ay roob socday muddo kooban hase ahaatee si weyn looga dareemay magaalada.

Roobkii xalay oo ahaa kii ugu horreeyey go’aan ka da’a Muqdisho ayaa ku soo beegmay xilli uu kuleyl badan ka jiray magaalada, waxaana dadka ku qabowsadeen raxmadda Alle.

Roobkii xalay da’ayburburryey qaar ka mid ah wadooyinka, iyagoo meelaha qaar ka sameeyey boholo.

Dhanka kale, Laba carruur ah ayaa geeriyootay, hooyadoodna dhaawac ayaa gaaray kaddib markii uu ku dumay darbiga guri saaraa guri ay deganaayeen deegaanka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa saakay kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay saamayn ku yeesheen roobab xalay ka da’ay Magaalada Muqdisho.

Kaaliyaha Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Xuseen iyo Afhayeenka Gobolka Banaadir Axmed Cismaan Muxudiin ayaa kormeeray qaar ka mid degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay samayn balaaran ku yeesheen roobabkii xogaanaa ee xalay ka da’ay Magaalada Muqdisho,iyagoo sidoo kalena u kuur galay qasaaraha ka dhashay roobabkaas.

Kormeerkaan ay ku tageen goobaha ay roobabkaan samaynta ku yeesheen ee magalada ayaa lagu kormeeryay qasaaraha iyo dhibaatoyinka ka dhashay roobabkaas kuwaas oo samayn weyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Kaaliyaha iyo Afhayeenka waxaa ku wehliyay koormeerkooda Agaasimaha xiriirka degmooyinka Mukhtaar Maxamed Axmed (Dhagacade).

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245