Sawirro: Qoyska boqortooyada UK oo dunida tusay Amiirad cusub oo kusoo biirtay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro: Qoyska boqortooyada UK oo dunida tusay Amiirad cusub oo kusoo biirtay

Mareeg.com: Qoyska boqortooyada Ingiriiska ayaa waxaa kusoo kordhay gabar cusub, taasoo noqoneysa Amiiradda 4-aad ee UK. Amiiraddan yar ayaa dhalatay (07:34 GMT) ee sabtida.

Dadka reer UK ayaa si muuqaal ah u arkay amiiradda haatan dhalatay, iyadoo ay siddo hooyadeed.

Amiiradda yar waxaa dhashay Duchess of Cambridge, oo sidoo kale loo yaqaano “Catherine”, waana cunugii labaad ee ay dhasho. Aabaha Amiiradda ayaa ah Amiir William.

Amiir William iyo xaaskiisa Catherine ayaa caalamka u soo bandhigay gabadhooda cusub ee sabtida u dhalatay. Waxay xalay soo istaageen iyaga oo xambaarsan gabadhooda banaanka hore ee isbitaalka St Mary’s ee London.

Horey ayaa Catherine loo geeyay isbitaalkan oo ay bishii July ee sanadkii 2013 ku dhashay wiilkeedi ugu horreeyay oo ah Amiir George.

Qoyska oo la geeyey qasriga Kensington Palace ayaa halkaas joogi doona dhowr maalmood, waxeyna dib ugu laaban doonaan guriga ay ku leeyihiin deegaanka Norfolk.

(Aabaha iyo Hooyada Amiiradda cusb)Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!