Sawirro: Qoys Mareykan ah oo ugaarsaday yaxaas lala yaabay! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro: Qoys Mareykan ah oo ugaarsaday yaxaas lala yaabay!

Mareeg.com: Qoys Mareykan ah oo ku dhaqan degmadaCamden ee gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa ugaarsaday Yaxaas loo badinayo inuu yahay kii ugu dheeraa, uguna miisaanka cuslaa inta la ogyahay ee horay loo soo qabtay.

Yaxaaskaan ayaa miisaan ahaan dhan 445 Kiilo, halka dhararkiisana lagu sheegay 4.5 mitir, waxaana qoyskaas soo qabteen yaxaaskaas bishaan August 2014.

Horay waxaa kaalinta hore ee yaxaaska ugaarsiga u heystay nin lagu magacaabo Keith Vanscher iyo shaqaalihiisa oo Mareykan ah, kuwaasoo soo qabsaday sanadkii 2011 yaxaas gaarayey 4.2 mitir, miisaankiisuna ahaa 372 Kiilo. Yaxaaskaas waxaa sidoo kale laga soo qabtay webiga Alabama.

Qoyska reer Stokes waxaa ugaarsiga yaxaaskaas ku qaadatay muddo 10 saacadood ah, waxeyna markii dambe geeyeen beerta Roland Cooper oo ku dhow degmada Camden ee deegaanka Wilcox.

Khubrada cilmiga nooluhu kuma dhibtoon iney ogaadaan dharirka yaxaaskaas, waxaase dhib ku qabsaday sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen si miisaan loo saaro.

Yaxaaska ay soo qabsadeen qoyska reer Stokes ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee laga soo ugaarsado webiga Alabama ee dalka Mareykanka, waxaana suuragal ah inuu noqdo kan aduunka oo dhan ugu weyn.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!