Sawirro: Qaraxii lagu dilay weriye Keynaan

Muqdisho – Mareeg.com: Waxaa saaka qarax lagu xiray gaarigiisa ku geeriyooday weriye Soomaaliyeed oo la oran jiray Yuusuf Keynaan, kaasoo ahaa agaasimaha Radio Muqstaqbal ee Muqdisho, islamarkaana ka shaqeynayey Radio ERGO ee Qaramada Midoobay leedahay.

Allaha u naxariistee marxuum Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan ayaa lagu qarxiyey qaarax loogu xiray gaarigiisa, xilli uu marayey isgoyska Ceelgaab ee magaalada Muqdisho.

Ciidammada ammaanka ayaa gaaray halka uu ka dhacay qaraxa uu ku geeriyooday wariye Yuusuf Kaynaan, lamina sheegin cid loo qabtay dilkiisa.

Halkaan ka daawo sawirrada gaarigii uu watay weriyahaas ee lagu qarxiyey.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245