Sawirro: Qaar ka mid ah maleeshiyadii & hubkii Axmed Daaci oo lagu soo bandhigay Xalane * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro: Qaar ka mid ah maleeshiyadii & hubkii Axmed Daaci oo lagu soo bandhigay Xalane

Mareeg.com: Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa xarunta ay ku leeyihiin Muqdisho ee Xalane kusoo bandhigay dhallinyaro ka tirsan maleeshiyadii u dagaalamayey Axmed Daaci iyo hub la sheegay in iyaga laga qaaday.

Dick Prit Olum oo ah taliyaha Qeybta 1-aad ee Ciidamada AMISOM iyo afhayeenka wasaaradda Amniga qaranka Soomaaliya, Maxamed Yuusuf ayaa warbaahinta kula hadlay Xarunta Xalane, iyagoo soo bandhigay dhallinyarada iyo qaar ka mid ah hubkii Axmed Daaci oo ahaa gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir.

Dick Prit Olum ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowlada ay saakay howlgal ku qaadeen goobo bartilmamaeed u ahaa oo kuyaala Wadajir balse ay dagaal kola horyimaadeen sida uu sheegay maleeshiyaad hubeesan, ayna ka itaal roonaadeen.

Taliyahan ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ciidankooda iyo kuwa dowlada Soomaaliya ay ku guuleysteen dagaalkii ay la galeen maleeshiydada hubeysan.

Waxey sheegtay AMISOM in hal askari uu kaga dhaawacmay howlgakii saaka ay ka fuliyeen degmada Wadajir, iyagoo dhanka kale sheegay iney dileen labo ka tirsan tagii la dagaalamay.

AMISOM waxey Xarrunta Xalane kusoo bandhigtay 18 dhallinyaro ah, kuwaa la sheegay iney daacad u ahaayeen gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci.

Sidoo kale, AMISOM ayaa soo bandhigtay qori gacmeedyo, rasaas, iyo qalab kale oo sida ay sheegtay laga soo qaaday guriga Axmed Daaci.

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Ciidamada AMISOM, Dick Prit Olum AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in ay Al-Shabaab u aqoonsan doonaan cidii dagaal kala hor timaada ciidankooda iyo kuwa dowlada Soomaaliya, ayna ula dagaalami doonaan sida ay ula dagaalaan Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in howlgalka uusan ku wajahneyn oo kali ah gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Daaci hase yeeshee uu yahay mid Amaanka lagu adkeynaayo iyadoo la raacaayo awaamiirta Madaxda Qaranka Soomaaliya.

Afhayeen Maxamed Yuusuf ayaa intaa ku daray in Axmed Daaci uu yahay shakhsi in badan ka soo shaqeeyay adkeynta amniga Degmadan marna aysan suurtagal aheyn in la weeraro dadka sidaaa u fakaraayana ay xaqiiqada ka fog yihiin.

Saaka ayay aheyd markii ciidamada Soomaaliya oo doonayey iney hubka ka dhigaan Axmed Daaci ay dagaal kala hortageen maleeshiyaad beeleed, taasoo keentay in dad badan oo rayid ah geeriyoodaan, islamarkaana Axmed Daaci laga saaro gurigiisa.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!