Sawirro: Puntland oo soo bandhigtay maxaabiis Alshabaab oo ay ku qabatay dagaalkii Suuj * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro: Puntland oo soo bandhigtay maxaabiis Alshabaab oo ay ku qabatay dagaalkii Suuj

Mareeg.com: Ciidamada Puntland ee ka dagaalamay Togga Suuj ayaa soo bandhigay maxaabiis ay sheegeen iney ku qabteen dagaalkii halkaas ka socday maalmihii la soo dhaafay, waxaana saraakiisha Puntland ay sheegeen inay si rasmi u soo afjareen dagaalkii halkaas ka socday.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in maxaabiistan la soo qabtay maalinimadii shalay, waxaana caawa fiidkii la geeyay magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Maxaabiistan oo gaareysay illaa labaatameeyo dhalinyaro aad u da’yar ayaa waxay u badnaayeen kuwo da’dooda u dhaxeysay 13 illaa 19 jir, iyadoo ay ku yaryihiin dadka waaweyn.

Muxiyadiin Axmed Muuse oo kamid ah Saraakiisha hogaamineysay Ciidamada ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab laga dilay 65 nin, dhaawaca iyo maxaabiista laga hayana ka kooban yihiin 31 nin, dhanka ciidamada maamulkana ayuu tilmaamay in laga dilay 3 askari, sadex kalana laga dhaawacay.

Maxaabiistii Al-shabaab ee lagu soo qab-qabtay dagaalkii ka dhacay Togga Suuj ee Xeebaha degmada EYL ee Gobolka Nugaal, ayaa si rasmi ah xalay loo geeyey xabsiga weyn ee Garowe.

Alshabaab kama jawaabin warka kasoo yeeray maamulka Puntland, ee ah iney dishay 65 ka tirsan Alshabaab, soo qabatay 30 kale.

14-kii bishan ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo doonyo watay ay ka dageen xeebta Garacad iyo Garmaal, dagaalyahanadan ayaa lagu qiyaasay inay gaarayaan boqolaal, lama oga halka jaan iyo cirib dhigeen kuwa kale.

maxaabis (1)maxaabis (2)maxaabis (3)maxaabis (4)maxaabis (5)maxaabis (6)maxaabis (7)maxaabis (8)maxaabis (9)maxaabis (10)maxaabis (11)

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.