Sawirro: Obama oo booqasho taariikhi ah ku tegay dalka Cuba

Mareeg.com: Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa booqao ku tegay caasimadda dalka Cuba ee Havana.

Obama ayaa booqashadiisa Cuba, ku sheegay in ay tahay fursad taariikhi ah uu xiriir kula yeelanayo dadka reer Cuba.

Isaga oo la hadlayay shaqaalaha safaaradda Marayka ee Cuba, ayaa Madaxweyne Obama waxa uu sheegay in uu filayo in jiilka mustaqbalka ay booqashadani u arki doonaan mid iska caadi ah.

Obama ayaa ah madaxweynihii ugu horeeyey oo Maraykan ah, oo isaga oo xil haya booqdo dalka Cuba muddo 88-sano ah.

Maanta ayuu Obama la kulmi doonaa madaxweynaha Cuba, Raul Castro. Aqalka Cad ayaa sheegay in booqashadan ay ka turjumayso xiriir cusub oo dhexmara labada waddan ee daqaalka qaboobaa uu ka dhaxeeyay.

Obama ayaa muddo saddex cisho ku sugnaan doona magaalada qadiimiga ah ee Havana, isagoo xoojin doona xiriirka Mareykanka iyo Cuba oo muddo 55 sano uu aad u xumaa

Arrimaha la filayo inuu kala hadlo Hogaamiyaha Cuba ayaa ka mid ah sidii is bedel loogu sameyn lahaa dhinaca siyaasada, ganacsiga iyo arrimo kale.

Mareykanka iyo Cuba ayaa muddo dheer waxaa ka dhaxeeyey muran, iyadoo khilaafku bilowday sanadkii 1959, markii uu is bedel ka dhacay Cuba, xukunkana uu la wareegay Hogaamiyihii hore ee dalkaas, Fidel Castro

Mar sii horreysay Mareykanka dalka Cuba dib u geeyey ergadiisii dublamaasiyadeed, iyadoo ay muuqato in xiriirka labada dal uu kasoo reynayo.

obama cuba (1)obama cuba (2)obama cuba (3)obama cuba (4)obama cuba (5)

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245