Sawirro: Obama iyo Uhuru Kenyatta oo ku kulmay Aqalka Madaxtooyada Nairobi

Read Time:40 Second

July 25 (Mareeg)— Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay aqalka Madaxtooyada Nairobi, halkaasoo wada hadalo uu kula leeyahay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Barack Obama ayaa markii uu gaaray Aqalka Madaxtooyada waxaa loo riday 21 Madfac, waxaana uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Kenya.

Intaas kadib ayaa labada Madaxweyne waxaa ay kulan gaar ah wada qaateen, waxaana kadib kulan albaabada uu u xirnaa wada qaatay Wafuuda labada dhinac,

Kulankan ayaa looga hadlayay arrimo badan oo ugu muhiimsan waxbarashada, caafimaadka, amniga, xuquuqda aadanaha.

Goor sii horeysay Madaxweyne Obama ayaa furay shirka hal abuurka Ganacsiga, waxaana uu ammaanay mustaqbalka dhaqaalaha iyo ganacsiga Afrika.

Sidoo kale Madaxweyne Obama ayaa ubax dhigay safaaradii hore ee Mareykanka ee qaraxyadii 1998-dii lala beegsaday, kaasoo lagu dilay in ka badan 200 oo ruux.obama-vs-Uhuru-8

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.