Muungaab oo xariga ka jaray dhismaha wadada 2-aad ee Suuqa Bakaaraha * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muungaab oo xariga ka jaray dhismaha wadada 2-aad ee Suuqa Bakaaraha

Mareeg.com: Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Muungaab ayaa maanta xariga ka jaray dhisme lagu sameynayo wadada 1-aad ee Suuq Bakaaraha oo isku xirta Isgoysydada Howl-wadaag iyo Baar Ubax.

Muungaab oo warbaahinta kula hadlay Isagoyska Howl-wadaag ayaa sheegay in dhismaha wadadaas ay iska kaashanayaan Dowladda Hoose ee Muqdisho iyo ganacsatada, wuxuuna xusay inaan la dayarctireyn ee toos dib u dhis weyn loogu sameynayo.

“Wadada u dhaxeysa Isgoysayada Howl-wadaag iyo Baar Ubax oo 1 KM ah ayaa la dhisayaa, waxaana iska kaashanaya Dowladda Hoose iyo ganacsato” ayuu yiri Muungaab.

“Wadada lama dayactiyaro ee dib ayaa loo dhisayaa, waxeyna arrintaani qeyb ka tahay barnaamijka dalkgaaga dhiso, annaga ayaa dhiseyna, waxaan loo dhisayaa sida 23KM oo Muqdisho ka mid ah ay walaalaha Turkigu inoogu dhiseen” ayuu sidoo kale yiri Muungaab.

Haddii wadadan loo dhiso si sax ah, waxey noqon doontaa wadadii ugu horreysay ee dowlada Soomaaliya iyo ganacsato dhisaan wixii ka dambeeyey burburka.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!