Sawirro:-Mas’uul Caan Ah Oo Ka Tirsan Maxkamada G/Banaadir Oo Xabsiga La Dhigay — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro:-Mas’uul Caan Ah Oo Ka Tirsan Maxkamada G/Banaadir Oo Xabsiga La Dhigay

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay Kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu eedeeyey qaadasho laaluush.

Amar ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu xiray Cabdul Qaadir C/llahi Xasan Shaango, waxaana lagu samaynayaa baarista ku xusan qodobka 246-ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA inay wadaan baaritaanka 240-kiis oo ku aadan musuq iyo wax isdabamarin, kuwaas oo marka baaristoodu soo dhamaato dadka ku eedaysan cadaaladda la hor keeni doono.

 

Xigasho:-SONNA

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!