Sawirro: Madaxweyne Xasan oo kormeeray Isbitaalka Digfeer oo la casriyeeyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo kormeeray Isbitaalka Digfeer oo la casriyeeyey

Mareeg.com:- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan wasiirada arrimaha gudaha iyo caafimaadka ayaa maanta kormeeray dhismaha isbitaalka Digfeer oo dowladda Turkigu dib dhis weyn iyo qalabeyn casri ah ku sameysay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo wareegay qeybaha uu Isbitaalka ka koobanyahay sida saalada qaliinka loogu talo galay, xarunta gargaarka deg dega, qololka iyo sariiraha bukaan jiifka ah, iyo qeyba kale oo muhiim ah,

Isbtitalkani oo ka mid ah goobaha caafimaad ee ugu casrisan Afrika ayaa waxaa ku sugnaa dhaqaatiir iyo howl wadeeno caafimaad oo u dhashay wadanka Turkiga kuwaasi oo uu madaxweynuhu indha indheynta kadib kulan la qaatay isagoo ku amaanay howsha caawimaada ah ee ay dalkeena ka hayaan,

Dr. Ugar Jonkoglu oo ah agaasimaha Isbitaalka Digfeer ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyay howshan caafimaad ee ay wadaan iyo halka ay mareyso.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheeay in Isbitaalka dhawaan xariga laga jari doono isagoo u sheegay dhaqaatiirta Soomaliyeed inay ka faa’iideystaan aqoonta ay dhaqaatiirta Turkiga dalka ku soo kordhiyeen si ay bulshadooda wax ugu taraan.

Isbitaalka Digfeer oo ku burburay dagaalladii sokeeye oo dalka ka dhacay dalka, waxaana dib dhisay dowladda Turkiga, oo sidoo kalana qalabeyn weyn ku sameysay.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!