SAWIRRO:-Madaxweyne Lafta-gareen oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Read Time:36 Second

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay wadanka Turkiga ayaa goordhaw kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Lafta Gareen ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya, qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo xubno kale.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galka shir looga hadlayo arimaha doorashada iyo khilaafka ka taagan kaa uu iclaamiyay Madaxweynaha dowladda Farmaajo.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa dhamaantooda hada ku sugan Magaalada Muqdisho oo la filayo in uu ka dhaco shirka looga hadlayo arimaha doorashada , lamana oga shirka Farmaajo iclaamiyay in beri uu dhici doono iyo in kale.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.