Sawirro:-Eng Camey oo maanta la kulmay Wafdigii ka socday Golaha Aqalka sare * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro:-Eng Camey oo maanta la kulmay Wafdigii ka socday Golaha Aqalka sare

Madaxweyne ku-xggeenka dawlad goboleedka Puntland mudane C/xakiin Cabdullaahi Cumar oo maanta Qado sharaf u sameeyey  Xubnaha ka socda Golaha Aqalka sare ee ku sugan magaaladda Garowe, ayaa xubnahaasi kala sheekeystay Xaaladda dalka iyo shaqadii ay u tageen halkaasi sida ay u socoto.

Madaxweyne ku-xiggeenka Puntland ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo xubnaha Golaha Aqalka sare ka socda ee magaaladda Garowe u tagay xal u helida kala aragti duwanaanshiyaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Mudane C/xakiin Cameey Madaxweyne ku-xiggeenka Dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa Xubnaha Golaha Aqalka sare ka socday ku booriyey inaysan ka daalin howsha ay bilaabeen ee ah dhamistirka xalinta is afgaran waaga jira.

“Xubnihiina  Golaha Aqalka Sare ee BFS  ee gaaray dowlad goboleedyada haka daalina in aad howshan Dhamaystirtaan meelaha qaar adeeg waad kala kulmaysaan balse muujiya dhabar adeeg si waxa jira aad u Xalisaan” ayuu yiri Madaxweyne ku-xiggeenka Puntland

Xubnaha Ka socday Golaha Aqalka Sare ayaa bilaabay Diyaarinta Qoraalka Xog Uruurinta Kulamadii Kala duwnaa ee ay La yeesheen Madaxda Puntland iyo qeybaha kala gedisan ee bulshadda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!