Sawirro: Kulanki dhexmaray madaxda dowladda iyo Kerry oo Muqdisho ka laabtay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro: Kulanki dhexmaray madaxda dowladda iyo Kerry oo Muqdisho ka laabtay

Mareeg.com: Xogahayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa dib ugu laabtay dalka Kenya, oo markii hore ka yimid, kadib markii uu kulamo la yeeshay madaxda dowladda Soomaaliya, maddaxda maamullada gobollada iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasare Cumar Cabdirashiid ayuu la kulmay Mr. Kerry, ayadoo sidoo kale uu jiray kulan guud oo ay madaxda maamullada gobolladu ay ka qeyb galeen.

Arrimaha ammaanka oo ay ku jirto la dagaallanka Alshabaab iyo hiigsiga 2016-ka ayaa ka mid ahaa waxyaabihii laga wada hadlay, siday ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

John Kerry ayaa markii hore kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare Cumar C/rashiid.



Sidoo kale, Kerry ayaa kulan kale la yeeshay madax ka socotay maamu goboleedayada, sida Maamulada Puntland, Jubba, Koofur Galbeed.

Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry ayaa la kulmay Madaxda AMISOM oo uu ku bogaadiyay howlaha ay ka hayan Soomaaliya, isla markaana Mareykanka uu mar walba garab taagan yahay.

Waa markii ugu horreysay oo uu wasiir arrimo dibadeed oo Mareykan ah uu yimaado magaalada Muqdisho muddo 20 sano ka badan.

Dowladda Mareykanka ayaa Dalka Soomaaliya ka caawisa arrimaha bani’aadamnimada, ammaanka iyo siyaasadda.



Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!