Sawirro:-Kooxo burcad ah oo lagu toogtay Muqdisho

Read Time:45 Second

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta waxa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen inta u dhaxeeysa Isgoysyada kala qeybiya degmooyinka Kaxda iyo Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu dilay laba ruux oo ka tirsanaa Kooxo burcad ah oo dhac u geysanayay Shacaka wadadaasi isticmaala,isla markaana howlgalka lagu soo qabtay 8 ruux oo kooxdaasi burcad ah ka tirsanaa sida ay sheegeen Saraakiisha amniga.

Goobta laga fuliyay Howlgalka ayaa waxaa kormeeray Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax),waxaana uu u mahadceliyay Ciidamada howlgalkaasi fuliyay ee ka hortagay dhibaatada shacabka lagu haayay.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi waxa uu sheegay in shacabka iyo maamulka degmada ay dhibaato ku qabeen kooxaha burcadka hubeysan.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Tuulax) ayaa dhankiisa tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir uusan u dulqaadan doonin wax kaste oo caqabad ku ah amniga Caasimadda.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %