Mareeg.com: Sida ay sheegeen saraakiisha milateriga Soomaaliya, ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa saaka gudaha u galay degmada Baraawe, waxeyna bilaabeen howlgalo amaan, islamarkaana miinooyin looga baarayo xarrumaha dowliga ah iyo wadooyinka.
Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliya, Jen. C/razaaq Khaliif ayaa halkaas gaaray, waxaana ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ee DANAD iyo khubaro ka tirsan ciidamada Midowga Afrika halkaas saaka ka bilaabeen howlo dhulka looga sifeynayo walxaha qarxa.
Saaka ayaa Alshabaab weerar ku qaadeen mid ka mid ah saldhigyada ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM ka sameysteen degmada Baraawe, inkastoo dagaalkaas mas’uuliyiinta dowladdu beeniyeen.
Mareeg Media
Published by A Warsame is senior
Editor and managing Director of Mareeg Media
Whatup :+447737886245
Happy
0 0 %
Sad
0 0 %
Excited
0 0 %
Sleepy
0 0 %
Angry
0 0 %
Surprise
0 0 %